LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Arrin Yaab Leh oo Ka Soo Korortay Kiiska Ladan Mohamed Ali

Arrin Yaab Leh oo Ka Soo Korortay Kiiska Ladan Mohamed Ali

Minneapolis (bulacle.com) –
Warbixin cusub oo la shaaciyey Talaadadii ayaa daaha ka rogtay xog cusub oo la xiriirta kiiska Ladan Mohamed Ali, haweeney Soomaali ah oo horey loogu eedeeyay inay isku dayday inay laaluush siiso xeerbeegti maxkamadeed iyadoo sidatay boorso ay ku jiraan $120,000 oo lacag caddaan ah.

Dukumeenti maxkamadeed ayaa muujinaya in Ladan Mohamed Ali, oo 31 jir ah una dhalatay Seattle, ay gacanta ku haysay shirkad cunto-sameeye oo la yiraahdo Afro Produce, taasoo sannadkii 2018 laga diiwaangeliyay magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota. Waxaa la sheegay in shirkaddan ay xiriir la lahayd hay’ado kale oo ku lug yeeshay khiyaanadii lagu lunsaday malaayiin dollar oo ka timid barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dowladda federaalka Mareykanka.

Intii u dhexeysay 2020 iyo 2021, shirkadda Afro Produce ayaa la xusay inay cunto keentay shirkado ay gacanta ku hayaan dad horay u qirtay dambiyo la xiriira kiiska Feeding Our Future, oo ahaa mid ka mid ah fadeexadihii ugu waaweynaa ee lagu xaday lacagaha deeqaha la bixiyay xilligii COVID-19.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay marag-fur ka yimid Pauline Roase, oo ah xisaabiye ka tirsan FBI, taasoo sheegtay in baaritaankeeda uu muujiyay in xisaabaadka bangiga ee shirkadda Afro Produce aysan caddeyn karin in wax cunto ah dhab ahaantii la iibiyay, taas beddelkeedana, shirkaddu ay gudbisay qaansheegad been abuur ah oo muujinaysa iibsasho aan dhicin.

Sida lagu sheegay warqad baaritaan oo uu qoray sarkaalka FBI Kevin Kane, tuhmanayaashu waxay Afro Produce u adeegsadeen sidii ay raadkooda u qarin lahaayeen, iyagoo isticmaalay fursadaha maaliyadeed ee la bixiyay si loo caawiyo barnaamijyada nafaqada ee carruurta, balse ay u leexsadeen si khaldan.

Waxaa qoray: Mohamud Cabdlle
➡️ bulacle.com

 

Post a Comment

0 Comments