Garoowe (bulacle.com) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo saameynayaa warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha deegaannada maamulkaasi, kaas oo la xiriira dagaalka lagula jiro Daacish. Wasaaradda warfaafinta Puntland oo warqad soo saartay ayaa Wariyeyaasha ka mamnuucday inay xiriir toos ah la sameeyaan kooxda, oo ay haatan Puntland kula dagaalamayso dhulka , buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Sida lagu sheegay
qoraalka oo kasoo baxay xafiiska Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir in go’aanan uu
ujeedkiisa yahay amar guud oo lagu soo rogay bahda saxaafadda Puntland, isla
markaana looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa Daacish. Go’aannada
lasoo saaray ayaa waxaa kamid ahaa:
1.
-In aan la aadi karin furimaha dagaalka lagula
jiro argagixisada iyadoo aaan ogolaansho laga haysan wasaaradda warfaafinta.
2.
-In
aan goobaha hawl-galka lagu casuumi karin cid aan ogolaansho looga hayn
wasaaaradda.
3.
-In
aan la baahin karin xogta hawl-galka oo aan laga helin ilaha rasmiga ah ee ay
dowladda ugu talo-gashay.
4.
-In
aan wax xiriir ah lala yeelan karin kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya
buuraha Calmiskaas.
Si kastaba, Puntland
ayaa qaaday guluf ka dhan ah kooxaha argagixisad ah ee ku suga aagga dhulka
buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo qorshuhu yahay in laga xoreeyo.
0 Comments