LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wasiir Fiqi Waxaan ogaanay Dadaallo lagu doonayay in Masar laga reebo howl-galka AUSSOM

Wasiir Fiqi Waxaan ogaanay Dadaallo lagu doonayay in Masar laga reebo howl-galka AUSSOM

Muqdisho (BULACLE.COM) –
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in dadaallo kala duwan ay socdeen si looga hor istaago in Masar ay ka mid noqoto howl-galka cusub ee AUSSOM.

Wasiirka oo ka hadlayay arrintan ayaa xusay in muddooyinkii lasoo dhaafay ay jireen isku dayo xooggan oo ay sameeyeen dhinacyo kala duwan, kuwaas oo diidanaa in Masar ay qeyb ka noqoto howl-galka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Inkasta oo uusan si toos ah u sheegin cidda ka dambeysay cadaadiskaas, haddana waxaa muuqata in Itoobiya ay ka mid ahayd dalalka sida weyn uga soo horjeeday in Masar ay hesho saami ku filan howl-galka AUSSOM, maadaama ay labada dal isku hayaan arrimo la xiriira webiga Nile.

“Waxaa jiray cadaadis xooggan oo la doonayay in Masar looga reebo howl-galka Midowga Afrika. Dhinacyo badan ayaa arrintan ka shaqeynayay. Jabuuti iyo dalalka kale ee deriska ayaa qeyb ka ah howl-galkan, balse diidmada ugu badan waxa ay la kulantay Masar,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Masar ay gacan weyn ka gaysatay taageerada ciidamada Soomaaliya, iyada oo ka caawisay tababar iyo qalabayn, sidaas darteedna aysan jirin sabab ay uga maqnaato howl-galka Midowga Afrika.

Itoobiya oo horay ugu eedeysay Masar in ay carqaladeyneyso danaha gobolka, gaar ahaan biyo-xireenka GERD, ayaa marar badan isku dayday in ay ka hortagto ka qeyb-galka Masar ee howl-galka Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalladii ay Masar sameysay ayaa ugu dambeyn mira-dhalay, waxaana saddex maalin kahor la xaqiijiyay in ay qeyb ka noqon doonto howl-galkan cusub ee Soomaaliya laga bilaabay.

Post a Comment

0 Comments