Muqdisho(bulacle.com)-Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada itoobiya ayaa kulan ku yeeshay magaalada muqdisho khamiistaa nadhaaftay kulanka ayaa looga wada hadalayay sii wadida heshiikii Ankara iyo hwoalgalka cyusub Ausom.
Wafdi uu hogaaminayay
wasiirka gaashaandhiga dowlada itoobiya ayaa itoobiya ku matalayay kulanka halka
soomaaliyana uu matalayay wasiirka gaashaandhiga soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga
Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hogaaminesyo ayaa Muqdisho kula kulamay
madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday
ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Kulamadaasi ka dib waxaa
warar kala duwan soo saaray soomaaliya iyo itoobiya, wasaaradda arimaha dibadda
itoobiya ayaa sheegtay in lagu heshiiyay in ciidamadanka itoobiya ay qeyb ka
noqdaan howlgalka cusub AUSSOM.
Halka wasaaradda Arimaha dibadda soomaaliy ay sheegtay in soomaaliya ay ka fiirsaneyso wali ka
midnoqoshada ciidamada itoobiya howlgalka cusub AUSSOM waxaase ay sheegtay in ay muhiimtahay in la tixgaliyo codsiga dowlada itoobiya madaama laga heshiiyay khilaafkii xoogaan ee labada dal.
Ma jirto xog dhab ah oo wali soomaaliya ka soo saaratay wararka is khilaafsan ee ka soo baxaya soomaaliya iyo itoobiya, balse waxaa jira xogo sheegaya in lagu heshiiyay in itoobiya ku biirto howlgalka loona arko in ay ahmiyad gooni ah u leedahay soomaaliya madaama ay itoobiya xuduud dheer la wadaagto soomaaliya.
0 Comments