Muqdisho (bulacle.com)– ๐๐’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐ง-๐ช๐๐๐๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐๐๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐ฆ๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฐ๐๐ฅ๐๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐๐-๐ ๐ฎ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ ๐๐๐ฐ๐๐๐ง๐ค๐.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay
door muuqda ku leeyihiin Xukuumadda DanQaran, ayna dhawaan heli doonaan
xuquuqda ay ku leeyihiin Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hey’adaha kala
duwan ee dowladda.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali
doonin xadgudub kasta oo lagu sameeyo xuquuqda haweenka, isagoo sheegay in
xukuumaddu ay ansixisay sharciyadii lagu ilaalinayey xuquuqda haweenka
Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in haweenku ay door
muhiim ah ka ciyaarayaan dowlad-dhiska iyo tayeynta hey’addaha Qaranka. Wuxuu
ugu baaqay haweenka inay u diyaar garoobaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee
dalka laga qabanayo, si ay u doortaan dumarkooda aqoonta leh ee wax u taraya
dalka.
“Haweenku waa laf-dhabarta Qarankeennu ku tiirsanaa
waqtigii adag ee la soo maray, sidaas awgeed, waxaan doonaya in aan u
mahadceliyo, kuna dhiirrigeliyo dhamaadka dedaalka naf-hurnimada ah iyo shaqada
culus ee ay dalkooda u hayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay fursad siiyaan haweenka aqoonta leh, si kor loogu qaado shaqo abuurka iyo awood-siinta dumarka.
0 Comments