LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

EG DEG: Madaxweyne Xasan oo si kulul u taageeray heshiiska xabad-joojinta Gaza!

EG DEG: Madaxweyne Xasan oo si kulul u taageeray heshiiska xabad-joojinta Gaza!

Muqdisho (bulacle.com) —
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku dhawaaqay baaq muhiim ah oo ku aaddan heshiiska xabad-joojinta ee dhexmaray Xamaas iyo Israel.

 

Madaxweynaha ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskan, isagoo u mahadceliyay dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka oo kaalin weyn ka qaatay xaqiijinta nabadgelyada. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la mideeyo dadaallada caalamiga ah si loo xoojiyo xabad-joojinta loona fududeeyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee dadweynaha Gaza, taasoo muhiim u ah yareynta dhibaatooyinka ay la kulmaan.

 

Dr. Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay mar walba taageerto nabadda, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo xal waara, laguna dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

 

Shalay, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen xabad-joojin, ka dib 15 bilood oo colaad ah oo keentay khasaaro ba’an. Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa sidoo kale yiri bartiisa bulshada: “Heshiis baan uga helnay dadka afduubka loo haysto Bariga Dhexe. Dhawaan, dib ayaa loo sii deyn doonaa.”

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in qeybta koowaad ee heshiiska ay ku jiri doonto is-dhaafsiga maxaabiista iyo xaqiijinta “xasillooni waarta” si loo gaaro xabad-joojin rasmi ah.

 




Post a Comment

0 Comments