LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

DF oo war ka soo saartay duqeyn khasaare sababtay oo ka dhacday gobolka Bari

DF oo war ka soo saartay duqeyn khasaare sababtay oo ka dhacday gobolka Bari

muqdisho (bulacle.com)
– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay duqeyn culus oo habeen hore ka dhacday gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Sixna ee degmada Qandala, taas oo ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah.

Duqeynta oo si gaar ah u beegsatay qoys reer guuraa ah ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, taasoo dhalisay walaac iyo cambaareyn xooggan.

La-taliyaha sare ee madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha federaalka, Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa tacsi u diray qoysaska ay waxyeelladu soo gaartay, wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay weerarkan.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii ku waxyeelloobay duqeyntii ka dhacday Sixna, waxaana ugu baaqayaa in la caawiyo qoysaska la beegsaday, si loogu raro goobo ammaan ah,” ayuu yiri Gallan.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la helo magdhow dhammaan dadkii ay waxyeelladu soo gaartay, maadaama falkaasi uu baal marsanaa xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa wada dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, iyagoo kusii siqaya dhulka istiraatiijiga ah ee gobolka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadu ay gaareen aagaga Tog Jaceel iyo Turmasaale, halkaas oo ay wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa ballan qaaday in baaritaan degdeg ah lagu sameyn doono duqeyntii dhacay iyo cidda ka dambeysay, si loo helo caddaalad.

 

Post a Comment

0 Comments