Kismaanyo ( bulacle.com)-Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa saaka ka tagay magaalada Kismaayo, isagoo ku socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safarkan ayaa ah mid muhiim ah, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu diyaarad gaar ah ka qaaday Kismaayo si uu u bilaabo booqasho rasmi ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Axmed
Madoobe uu ka bilaabi doono Nairobi kulamo xasaasi ah oo uu la qaadan doono
mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya. Kulamadan waxaa diiradda lagu saari
doonaa arrimaha Jubbaland iyo caqabadaha maamulka, kiisna xayiraado ay dowladda
dhexe ee Soomaaliya ku soo rogtay.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale qorsheynaya
inuu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jubbaland, si uu uga warbixiyo
xaaladaha bani’aadaminimo ee ka jirta Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaas oo haatan
soo wajahaya dhibaatooyin sii xumaanaya.
Inta uu joogo Nairobi, Axmed Madoobe waxa uu la kulmi
doonaa safiirada caalamiga ah, isaga oo ku hawlan arrimo muhiim ah. Jubbaland
ayaa dhawaan sheegtay inay si madax bannaan u xiriiri doonto beesha caalamka,
taasoo muujinaysa go’aanada cusub ee maamulka.
Safarkan ayaa keeni kara hadal-heyn culus, maadaama uu
yahay safarkii ugu horreeyay tan ka dib doorashadiisa, kadib markii ay dowladda
dhexe diidday. Kenya oo ah dalka uu u dhoofay ayaa xiriir dhow la leh
Jubbaland, waxaana la filayaa in safarka uu keeno isbeddel xagga xiriirka
siyaasadeed.
Inkastoo aan wali la shaacin sababta rasmiga ah ee
safarka Axmed Madoobe, haddana waxaa la socda culeysyo siyaasadeed oo ka dhex
jira Jubbaland iyo dowladda dhexe. Kulamada Nairobi ayaa laga yaabaa inay
saameyn dhaw aan laga filan karayn ku yeelato mustaqbalka maamulka Jubbaland.
W/Q: Maxamud Cabdulle
0 Comments