Ceelbaraf (bulacle.com) -iyadoo shalay , dhacdo murugo leh ay ka dhacday aagga Ceelbaraf gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed lagu dilay weerar ay maleeshiyo qabiil ah ku qaadeen.
Wararka laga helay goobta ayaa sheegay in ilaa 7
askari, kuwaas oo ka yimid gobolka Hiiraan, lagula dilay weerar foosha xun, Kaliya hal askari ayaa ku guuleystay in uu ka
baxsado goobta, sida ay sheegayaan dadka goob joogta ah.
Askarta la dilay waxay u fasax noqonayeen booqasho ay
ku tagayeen reerahoodii degan gobolka Hiiraan, waxaana maleeshiyada qabiilka ah
ee jidka u galay si wadajir ah u dilay dhammaan askarta, marka laga reebo
askariga halista ka badbaaday.
Deegaanka Ceelbaraf, oo ku dhow xuduudda gobollada
Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle, ayaa muddo dheer ku jiray xaalad
colaadeed. Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa si joogto ah u dagaallama aaggaas,
waxaana la sheegay in askarta la dilay ay ka soo jeedaan beesha Xawaadle, halka
maleeshiyada weerarka ku qaadayna loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Abgaal.
Xaaladda deegaanka ayaa maanta aad u kacsan, iyadoo ay
jiraan cabsi weyn oo la xiriirta amniga iyo jawaabaha laga filayo dowladda.
Saraakiil ka
tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa soo gaaray deegaanka dhibaatadu ka dhacaday ,
sidoo kalena masuuliyiin ka socota HirShabeelle ayaa lagu wadaa inay tagaan
Ceelbaraf si ay u ogaadaan xaqiiqda iyo waxa dhacay.
Dhacdadan ayaa ah mid aan la iloobi doonin, iyadoo
xusuusineysa falal hore oo la mid ah oo ku dhacay gobolka, taasoo keentay in
odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle ay dowladda u jeediyaan in ay si degdeg
ah wax uga qabato dhibaatadan soo wajahday deegaanka waxayna ka digeen in aan
la wiiqin dagaalka lagula jiro AS.
0 Comments