Muqdisho (Bulacle.com)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay xilka agaasimaha cusub ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow).
Xafladda xil wareejinta, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu
sheegay in hoggaanka cusub looga baahan yahay inuu keeno isbeddel ku saabsan
tayada adeegyada hay’adda, gaar ahaan sidii baasaboorka Soomaaliga uu u noqoni
lahaa mid la tartama baasaboorrada kale ee casriga ah. "Haddii aan
doonayno in dhibcaha la tartanto, hufnaanta hay’adda waa inay noqoto mid muhim
ah," ayuu ra'iisul wasaare Xamza yidhi.
Inta lagu gudo jiray munaasabadda, Xamza Cabdi Barre
wuxuu agaasimaha hore ee hay’adda u mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ku
lahaa xilkiisa, isagoo rajeeyay in agaasimaha cusub uu kor u qaaddo heerka
adeegyada dowladda ee bulshada.
Isbeddelka Hay’adda Socdaalka oo Muhiim u Ah Bulshada
Soomaaliyeed
Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa muddooyin badan
wajahday dhaleecayn la xiriirta musuqmaasuq, waxaana ra'iisul wasaare Xamza uu
sheegay in dowladdu ay ka go'an tahay in hay’addan ay noqoto mid hufan oo
saameyn ku leh adeegyada bulshada. Mustaf Dhuxuloow, agaasime cusub, ayaa
horyaalla hawlo culus oo ay ka mid yihiin horumarinta tayada adeegyada, si loo
sugo kalsoonida shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray,
"Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay helaan adeegyo tayo
leh, waxaana ka go’an inaan hoos u dhigno musuqmaasuqa si aan u gaadhno
ujeeddooyinkeenna."
Isbadalkan ayaa lafilayaa inuu horseedo tayeynta
shirkadaha iyo hawlaha bulshada ee la xiriira hay’adda socdaalka, si isbedel
wanaagsan loogu keeno xaaladda waddanka.
Ujeedada Waddaniga ah
Horumarinta hay’adda socdaalka Soomaaliyeed waxay
muhiim u tahay dhisidda nidaam hufan, taas oo gacan ka geysan karta in
Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka la tartama ee adeegsado teknoolojiyadda
casriga ah ee baasaboorka.
W/Q: Maxamud Cabdulle
1 Comments
Waa arin fiican waa soo dhaweynaa
ReplyDelete