Dolow(bulacle.com)-Warar cusub oo ka soo baxay degmada Dowlow ayaa muujinaya in ciidamada maamulka Jubaland, oo kaashanaya kuwa Itoobiya, ay ku hawlan yihiin hawlgallo ka dhan ah ciidamada dowlada soomaaliya . Sarkaal ka tirsan ciidanka Jubaland ayaa bulacle.com u xaqiijiyay inay Wasiirka Amniga Jubaland, Janaraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal), ka soo gudbiyeen waddada u dhaxaysa Buulo Xaawo iyo Doolow. "Waa sax in aanu soo qaadnay wasiirka, maadaama aan ka walwalnay amnigiisa, isaguna wuu nala soo xiriiray isagoo sheeganaya in isku day dil lagu sameeyay," ayuu yiri sarkaalkani.
Dadka deegaanka ayaa
sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin gobolka Gedo, iyagoo
qorsheynaya in ay u dhaqaaqaan degmada Buulo Xaawo, halkaas oo ay ciidamada
dawladda federaalka ku leeyihiin saldhigyo waaweyn. Madaxda deegaanka Buulo
Xaawo waxay taageerayaan dawladda federaalka, iyadoo la cadaadinayo inay iskaga
haraan maamulka Jubaland, marka laga
reebo guddoomiyaha degmada oo ku adkeysanaya in uu la socdo Jubaland.
Khilaafka dhex yaal
dawladda federaalka iyo Jubaland ayaa sii adkaanaya, sida ku xusan dib u
doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe, halka khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu
hoos u dhacayo. Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in
ciidamada Itoobiya aanay ka sii mid ahaan doonin hawlgallo cusub oo Midowga
Afrika, isla markaana ay tahay in dhammaadka bishan ay dalka ka baxaan.
Maxay kulatahay adiga ?
W/Q: Maryan Cali
0 Comments