Badhaadhe (bulacle.com) – Warar cusub oo ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ka dajisay ciidamo iyo saanad milatari oo cusub deegaanka Raskambooni, kadib diyaarado kasoo ambabaxay Muqdisho.
Diyaaradahan
ayaa sidoo kale ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u geeyay Raskambooni, si ay u xoojiyaan
howlaha ka dhanka ah maamulka hoggaamiyaha jubaland Axmed Madoobe .
Ilo-wareedyo
lagu kalsoon yahay ayaa bulacale.com u
sheegay in ciidamo kale oo ka soo baxay Kismaayo ay sidoo kale gaareen
Raskambooni, taas oo hadda noqotay xarunta dagaalka ee u dhexeeya dowladda
federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Xaaladda
ayaa u muuqata mid ka sii dareysa , iyadoo Jubbaland ay sidoo kale abaabulayso
difaacyo ka dhan ah ciidamada dowladda, lama oga sidey wax noqon karaan hasayeeshee waxaa jiro cabsi laga qabo in dagaal toos ah
uu qarxo.
Diyaaradaha
maanta u dhaqaaqay Raaskambooni ayaa kusoo aadaya iyadoo Jubbaland ay dhowaan
digniino siisay shirkadaha diyaaradaha una sheegatay in ay ka fogaadaan duulimaayada ay ku tagayaan deegaanka
raaskaanbooni , maadaama xaaladu ay tahay mid khatar ah oo ka sii dareysa
maalinba maalinta ka danbeysa.
Maxaya
kulatahay adiga ?
W/Q:
Maxamud Cabdulle
0 Comments