Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada DFS ayaa
hogaaminaysay wafdi ay kamid yihiin Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista
Rayidka, Ahmed Macalin, iyo masuuliyiin kale, Waxaana Wafdigaan waxaa
Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay madaxweyne kuxigeenka oo ay wehliyaan wasiiro,
xildhibaano, iyo maamulka Galmudug.
Wasiiradda iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah
ayaa caddeeyay in ay jiraan horumarro muuqda oo ka socda Galmudug iyo dhismaha
Garoonka Dhuusamareeb iyadoona ballanqaaday in garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb uu noqon
doono garoon caalami ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto
qalabeynta garoonka, iyadoo loogu talagalay $2 milyan oo doolar si loo hubiyo
in garoonka uu la jaanqaado garoomada caalamiga ah.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa
ka mahadceliyay wasiiradda booqashada ay ku tageen Galmudug iyo sida wanaagsan
ee ay ula shaqeynayaan Wasaaradda Gaadiidka Galmudug, Wuxuna adkeeyay in loo baahan yahay garab istaag iyo
in dowladdu gacan ka gaysato horumarinta garoomada dowladda Galmudug.
Ugu dambeyntii, kormeerka waxaa lagu soo gaba-gabeeyay
xarunta shirkadda dhismaha garoonka ee Olonbic, iyaga oo ku guuleystay
horumarin wanaagsan oo ka socda garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb. Waxaana la
sheegay in dhismaha garoonka si buuxda looga dhammeyn doono waqtiga uu
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, horay u balan qaaday.
W/Q: Maxamud Cabdulle
0 Comments