Ceerigaabo (Bulacle.com) – Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo, xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ciidamo ka socda Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay ku dagaallameen. Warar soo baxaya ayaa muujinaya in iska horimaad xooggan uu ka dhacay bartamaha magaalada, iyadoo aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, maadaama uu dagaalku dhacay xali habeen ah.
Ilo gudaha ah ayaa sheegay inay jiraan kacsanaan xilli
daruuriga ah, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabanayaan dhibaatooyinka ka dhashay
dagaalka, Sidoo kale, saaka waxaa la
arkayaa ciidamo iyo gaadiid dagaal wata oo gaarey Ceerigaabo, taas oo sii kordhinaysa
cabsida laga qabo in ay ka sii darto xaaladda
deegaanka.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa ahaa kuwo xasaasi ah,
iyadoo shacabka degmadaasi ay dhigeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilal lagu
eedeeyay ciidamada Somaliland, eedeeymahaan ayaa waxaa soo jeediyay SSC.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ma aysan soo saarin
wax jawaab ah oo ku aaddan eedeyntaasi ama xaaladda kacsan ee ceergaabo.
Dagaalkan ayaa dhacaya xilli isbeddal siyaasadeed oo
cusub uu ka dhacay Somaliland, kadib doorashadii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro,
iyadoona wali ay jirto xiisad colaadeed oo u dhexeysa Soomaaliland iyo SSC –
Khaatumo.
W/Q: Mustaf Cabdinur
0 Comments