LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Warar Cusub: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Turkiga ku kulmaya….


Muqdisho (bulacle.com) —
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofaya Muqdisho, isagoo u safaraya Turkiga kadib martiqaad rasmi ah oo ka soo baxay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Kulanka tooska ah ayaa lagaga hadlayaa arrimo muhiim ah oo kala duwan, iyada oo lagu wado in uu  madaxweynaha soomaaliya uu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

 

Xogta socdaalka madaxweynaha ayaa muujinaysa in Erdogan uu isku dayayo inuu dhex-dhexaadiyo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo xiisad diblomaasiyadeed ay ka jirto labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u diiday kulamo dhowr ah uu la yeesho, Abiy Ahmed, isagoo sheegay inuu qabyo yahay ilaa dowladda Itoobiya ka laabato heshiisyadii ay la gashay Somaliland.

 

Mowqifka madaxweynaha Soomaaliya ee kulanka la leh madaxda Itoobiya ayaa la socda isbeddelo kala duwan, waxaana dhici karta in Turkiga uu ka furo fursadaha wada-hadal.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa weli raadinaya dariiqooyin lagu xallin karo khilaafka jira, inkastoo dowlada Soomaaliya ay horay xariirka u jartay tan iyo markii Itoobiya ay ku xad-gudubtay madaxbanaanida Soomaaliya.

 

Waxa ay sheegaya dadka indhaha ku haya siyaasada khilaaf soomaaliya iyo itoobiya  in kulankan uu wax ka beddeli karo xaaladda labada dal, iyo mustaqbalka xiriirkooda.

W/Q: Maxamud Cabdulle 

Xigasho: Caasimada.net

Post a Comment

0 Comments