LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Warar Culculus: Dowladda Soomaaliya oo Qabatay Hal Milyan oo Doollar iyo Shabakad Maaliyadeed oo Al-Shabaab ah!


Muqdisho (bulacle.com)
– Dowladda Soomaaliya ayaa caawa soo bandhigtay guul weyn oo ay ka gaartay la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo lacag gaaraysa hal milyan oo doolar la kala wareegtay akoono ay kooxda argagixisada isticmaashay, isla markaana la burburiyay shabakad maaliyadeed oo ay ku tiirsaneyd.

 

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku dhawaaqay in baaritaano qoto dheer kadib, la helay lacagtaas taasoo lagu shubay qasnadda dowladda, kaddib markii maxkamad ay soo saartay amar ku saabsan soo celinta hantidaas.

 

"Waxaan ku faraxsanahay in aan burburinay shabakado maaliyadeed oo ay argagixisadu ku raadsanayaan hantida shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa sidoo kale la xayiray akoono kale oo laga shakiyey inay malaayiin doolar ku jiraan, kuwaasoo baaritaano ay ka socdaan.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku waramaya in kiiska baaritaankooda uu ku dambeyn doono natiijo la gaarsiiyo maxkamadda si loo xaqiijiyo cadaaladda.

 

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta.

Wali arintaan AS kama aysan hadalin balse xaafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa shaacisay xogtaan aadka u weyn dowlada ayaa waayadaan ku howlaneed ka hortaga lacag dhaqista iyo maalgalinta argagixisada Soomaaliya.

W/Q: Shariif Raage

Post a Comment

0 Comments