Muqdisho (bulacle.com) – Warar cusub ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay amar ka dhan ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jubbaland, ay ku soo rogtay xanibaad.
Xildhibaannada la xannibay waxaa ka mid ah Xasan Yare,
oo dhawaan ka dhex muuqday buuq ka dhacay kulankii baarlamaanka, isagoo feeray
askari ku sugnaa xarunta. Liiska xildhibaannada xanibka lagu soo rogay ayaa la
geeyay saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo loo sheegay inaysan
ka dhoofi karin garoonka.
Xanibaaddan ayaa ka dhalatay gacan qaadkii todobaadkii
hore ee ka dhacay xarunta baarlamaanka iyo xiisadda sii kordheysa ee ka dhex
taagan Jubbaland. Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sidoo
kale xaqiijiyay in xildhibaanno kale ay warqad xanibaad ah ka heshay garoonka
Aadan Cadde.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli siyaasadeed oo
kacsan, iyadoo khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Villa Soomaaliya iyo maamulka
Axmed Madoobe.
Maxay kulatahay adiga?
W/Q: Maxamud Cabdulle
1 Comments
Waa arin fiican waa soo dhaweynaa xildhibanada xanibaadaa la saaray
ReplyDelete