LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Tayo xumada Dowladda Dan Qaran , Sababaha Khilaafka iyo Liidnaanta Dhaqaalaha!


Moqdisho (bulacle.com)-
Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyaa in ay wajahday caqabado badan oo ay ka mid yihiin tayo xumo, shaqo la’aan, iyo khilaaf siyaasadeed oo sii kordhaya.

Qoraalkan waxaan ka hadli doonaa sababaha keenay tayo xumada ee Dowladda, dhibaatooyinka ka jira, iyo talooyin lagu horumarin karo xaaladda dalka soomaaliaya.

 

Tayo xumada Dowladda:

1. Hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Waxaa jira dareen ah in waxqabadyadiisa aysan ku filneyn si loo wajaho dhibaatooyinka taagan. Qorshihiisa maamulka ayaan wali si buuxda u hirgelin arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo dib u heshiinta bulshooyinka soomaaliyeed oo wali waxaa dalka ka socda colaado sokeeye oo dad badani ku dhimanayaan maalinkast.

 

2. Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre: Xukuumaddiisa ayaa lagu dhaleeceeyay in ay ku liidato hirgelinta shuruucda iyo mashaariicda muhiimka u ah dalka, taasoo dhalisay rajo  xumo bulshada soomaliyeed eek u aadan dowlada dan qaran.

 

3. Hal-abuur la’aanta Golaha Wasiirada: Golaha wasiirrada ayaa lagu eedeeyaa in ay ku guuldareysteen in ay soo bandhigaan qorshayaal wax ku ool ah, kaasi oo saameyn ku yeelan kara go’aan qaadashada iyo tartanka siyaasadeed dalka.

 

Liidnaanta Dhaqaalaha: Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa weli hoos u dhacaya, iyadoo aan la helin ilo dhaqaale oo waara, Sicir barar, musuqmaasuq, iyo taageero la’aan ayaa carqaladeynaya nolosha shacabka.

 

 Shaqo La’aanta Dhallinyarada: Shaqo la’aanta dhallinyarada, oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn, ayaa kordhisay nacayb iyo khilaaf , Waxaana jira boqolaal kun oo dhallinyaro ah oo aan helin fursad shaqo, taasoo keeneysa in la raadiyo fursado sharci darro ah.

 

Boobka Hantida Dadweynaha: Fadeexooyinka la xiriira boobka hantida dadweynaha ayaa sare u qaaday kalsooni darro ka jirta dowladda, Waxaana muhiim ah in dowladda hirgeliso nidaamyada ilaalinta hantida iyo ka hortagga musuqmaasuqa baahsan ee ka socda gudaha dalka gaar ahaan hay’adaha dowlada soomaaliya.

 

 Fashilka Dib-u-heshiisiinta: Dhaqaalaha iyo khilaafka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka mid ah dhibaatooyinka u baahan in si firfircoon loola tacaalo.

 

 

Talo Soo Jeedin:

- Isbeddel ku Sameynta Xukuumadda: Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dib-u-eegis ku saabsan qaab dhismeedka xukuumadda si loo badiyo waxqabadka, Tani waxay u baahan tahay in la xusho wasiirro leh khibrad iyo hibo.

 

- Dib u Heshiisiin: Dowladda waa in ay xoogeeyso dib u heshiisiinta beelaha  saamileyda siyaasada soomaliya si loo xalliyo khilaafaadka jir looguna gudbo sidii dalkeena uu u higsan lahaa wadada rajada.

- Horumarinta Dhaqaalaha: Waa muhiim in la abuuro barnaamijyo xirfadaha iyo maalgelin mashaariic hal abuur leh.

-Madaxweynaha Turkiga,  Recep Tayyip Erdoğan oo Ku Soo Wajahan Soomaaliya, , taasoo lagu tilmaamay fursad cusub oo kor u qaadi karta iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal. Heshiiskii Ankara wuxuu muujinayaa in Soomaaliya u baahan tahay gargaar iyo taageero diblomaasiyadeed.

W/Q: Mustaf Ali 

Post a Comment

0 Comments