LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taliyaha Danab ee Jubaland oo ka hor yimid qorshaha Dowlada Soomaaliya…..


Kismaayo (bulacle.com)
– Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbaland, Carab Dheeg Axmed, ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka, taliska Ciidanka Xoogga dalka, iyo qorshayaasha lagu daabulayo ciidanka deegaanka Raaskambooni, isagoo muujinaya cabashooyin xoogan oo ku saabsan dalacsiinta ciidanada Jubbaland.

 

Taliye Carab Dheeg wuxuu si weyn u dhaliilay sababta ciidamada Jubbaland loo dalacsiiya, halka Danab, oo muddo dheer ku soo jira dagaallada Jubbooyinka, aan loo aqoonsan.

 

Isaga oo ka hadlayey halisaha ka imaan kara, Taliyaha wuxuu uga digay in Jubbaland ay ka dhici karto isku dhac ciidamadeeda ah, taasoo khatar gelin karta wadajirka ciidamada qaranka. 

 

“Dagaalka Khawaarijta waa in aan diirada saarno, maadaama ay yihiin cadowga dhabta ah,” ayuu yiri Taliyaha, isagoo feejignaan ka muujiyey in siyaasadaha is khilaafsan ay horseedi karaan halis aan laga soo kaban karin.

 

Eedeymihii Carab Dheeg ayaa si toos ah ugu dhacay madaxda ugu sareysa dalka, isagoo su'aal gelinaya nidaamka saxda ah ee maamulka ciidan. Tani waxay suuragal u tahay in taliyaha la ciribtiro, iyada oo arrimaha uu ka hadlayo ay yihiin kuwo xasaasi ah.

 

Isku dhacyada ciidamada ayaa keeni kara xiisado cusub, maadaama si aan fiicnayn loo adeegsado ciidamada, Taliyaha ayaa ku adkeystay in siyaasadaha qaldan aysan xal u ahayn, iyadoo Diirada la saarayo cadowga khaasatan Khawaarijta.

Post a Comment

0 Comments