Mombasa, Kenya ( bulacle.com) — Marwo Sacdiya Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Urur Gobaleedka IGAD (IWPSF) kulanka ka dhacay magaalada Mombasa, Kenya.
Wasaaradda Horumarinta
Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay dadaalka
kooxdan hoggaamineed, iyadoo xustay in ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka,
Ms. Amer Manyok Deng oo ka socota Koonfurta Suudaan, iyo Xoghayaha, Hon. Dora
Byamukama oo ka soo jeeda Uganda.
Urur Gobaleedka IGAD iyo
dowladaha xubnaha ka ah waxa ay wadajir u wadaan dadaalo lagu xoojinayo Amniga
iyo Nabbadda Gobolka, isaga oo xooga la saarayo xaaladda dalka Sudan, Kooxdan hoggaamineed ayaa ka shaqeyn doonta
horumarinta ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga ee Gobolka, si kor loogu
qaado kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada.
Marwo Sacdiya Maxamed
Nuur ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto in la gaaro himilooyinka
la xiriira haqabinta xuquuqda haweenka iyo nabadeynta gobolka, iyadoo diiradda
la saarayo dhisidda iskaashiga iyo wada shaqeynta iyo horumarinta kheyraadka
bulshada.
W/Q:
Maxamud Cabdulle
0 Comments