Ankara (bulacle.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu saxiixay heshiis taariikhi ah oo lagu xallinayo khilaaf mudo dheer soo jiray, kaddib markii uu fududeeyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
Heshiiskan cusub wuxuu xaqiijinayaa in Itoobiya
ixtiraamto madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed oo hoos imanaya
maamulkeeda, iyadoo heshiiska dib looga wada-hadhi doono qaabka xalintooda.
Sida laga soo xigtay war-murtiyeedka ka soo baxay
shirarkaas, labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ku heshiiyeen in ay ka gudbaan
khilaafaadka hore, una dhaqaaqaan waddo wadajir ah oo ah mid horumarineed.
Sidoo kale, waxay adkeeyeen in la xoojiyaan xiriirka labada dal, iyagoo ku
saleynaya ixtiraamka, saaxiibtinimada iyo fahamka wadajirka ah.
Madaxweynaha Erdoğan ayaa si diiran u soo dhaweeyey
labada hoggaamiyayaal, isaga oo ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan nabadda iyo
iskaashiga bulshooyinka labada dal.
Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo xoojinaya
xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in ay
bilaabaan wadaxaajoodyo farsamo oo lagu hormarinayo heshiisyada ganacsi, taasi
oo horseedi doonta fursado cusub iyo iskaashi ganacsi oo waara.
Halkan ka akhriso faahfaahinta
0 Comments