LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sarkaal Booliis ah oo Lagu Dilay Dhuusamareeb iyo Sabab la yaab leh..……!


Dhuusamareeb (bulacle.com)
— Xalay, magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu dilay sarkaal booliis ah, labo xidigle  Xasan Quuri, oo ka tirsan booliska Soomaaliya qaybta Galmudug, waxaa ku dhaawacday gabar la socotay marxuumka.

 

Ninka dilka geystay oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Marti, ayaa ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 21aad, oo fadhigeeduyahay Dhuusamareeb.

 Dilku wuxuu dhacay abaaro 11 habeenimo, xilli sarkaalka dhintay iyo gabadha dhaawacantay ay wada saarnaayeen gaari nuuca raaxada ah kuna sugnaa bartamaha xaafada horsed gaar ahaan dhabarka danbe ee isbitaalka gobolka.

 

Kadib dilka, Maxamed Faarax Marti wuxuu ka baxsaday goobta, laakiin ciidamada dowladda ayaa si degdeg ah u gaaray isla goobta falku ka dhacay, taasoo ahayd bartatamaha xaafada horsed,  Kadib howlgal ballaaran  oo ay sameeyeen ciidamada dowlada  gaar ahaan ciidanka booliska ayaa  eedaysanaha lagu soo qabtay waxaana la geeyay saldhiga magaalada dhuusamareeb.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanuhu uu doonayay in uu dhaco dadka saarnaa gaari, balse arintu ay is badashay markii uu la kulmay sarkaal hubeysan, taasoo keentay in uu go’aansado in uu toogto sarkaal maadaama uu gartay in uu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlad.

 

Gabadha la socotay sarkaalka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac qaarka hore ah waxaana hada lagu dabiibayaa isbitaal ku yaal Dhuusamareeb.

 

Dilkan ayaa qeyb ka ah xaalad murugsan oo ka taagan magaalada Dhuusamareeb, isla markaana lagu dhacayo bulshada xiliyada habeenkii  walaow ay ciidamada booliska dhuusamareeb  ay sii wadaan howlgalo iyo dadaallo lagu xoojinayo ammaanka magaalada.

 

Wixii ka soo kordha, si joogto ah ugala  soco bulacle.com. 

Post a Comment

0 Comments