LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Nuxurka Heshiika Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Tanzania+Saworo


Muqdisho (bulacle.com) –
Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta shan heshiis oo muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo wafdi ka socda Tanzania uu booqday caasimada.

 

Shan Heshiis oo Muhiim ah:

 

1. Iskaashiga Guud ee Arrimaha Dibadda:

   Wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed, iyadoo diiradda la saaray xasilloonida gobolka.

 

2. Iskaashiga Arrimaha Caafimaadka:

   Heshiiskan wuxuu ujeedkiisu yahay horumarinta nidaamyada caafimaadka iyo la dagaallanka cudurrada faafa, iyo sidoo kale is-dhaafsiga aqoonta.

 

3. Horumarinta Dalxiiska:

   Labada dhinac ayaa isku raacay in la kordhiyo fursadaha dalxiiska iyo is-dhaafsiga dhaqanka, si loo dhiirrigeliyo dhaqaalaha dalalka.

 

4. Iskaashiga Difaaca iyo Amniga:

   Heshiis lagu xoojinayo iskaashiga difaaca oo ujeedkiisu yahay in la horumariyo awoodaha difaac iyo amniga labada dal.

 

5. Iskaashiga Waxbarashada:

   Heshiis muhiim ah oo diiradda saaraya is-dhaafsiga aqoonta, bixinta deeqaha waxbarasho, iyo horumarinta nidaamyada waxbarasho.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii loo soo celin lahaa iskaashiga la midka ahaa midkii hore ee ay lahayd dalalka aynu walaalaha nahay. Waxaa la filayaa in heshiisyadani ay gacan ka geystaan kor u qaadida horumarka iyo xasilloonida labada dal.












 

W/Q: Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments