LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magac Bedel Ku Sameeyay labo Xero Ciidan..


Muqdisho (bulacle.com) –
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aansaday in magacyada xerooyinka ciidanka Damaanyo iyo General Gordon la beddelo, isagoo magacyo cusub u magacawday.

 

Xerada General Gordon ayaa hadda loo magacaabay Col. Maxamed Mubaarak Al Mansor, oo ah sarkaal Imaaraad u dhashay, kaasoo ku dhintey xeradaas bishii Febraayo 10, 2024, xilli lagu guda jiray tababarada ciidamada. Wareegtada Madaxweynaha ayaa tilmaamaysa in magaca cusub loo beddelay si loo xusuusto geesigaas.

 

Xerada Damaanyo ayaa laftiisa loogu magac daray Sareeye Guuto Maxamed Ibraahim Faarax (Gordon).

 

Isbeddelada magacyadan ayaa si rasmin ah loogu shaaciyay wareegto, waxaana toos looga hadlay baraha bulshada, taasoo muujinaysa dardargelinta isbeddelada magacyada iyo qiimaha ay hayaan shaqsiyaadkaasi.

hoos ka akhriso wareegtada :

Maxay kulatahay adiga ?
W/Q: Maxamud Cabdulle


Post a Comment

0 Comments