Gaalkacyo (bulacle.com ) – Faah-faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal khasaaro xooggan geystay oo aroortii hore saakay ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo aagga deegaanka
Jiicboor, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala
duwan.
Dagaalkan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 16 qof
oo iskugu jira dhinacuyadii dirirtu dhexmartay
, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo aad u daran oo la kala geeyay Galkacyo
iyo Galdogob.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in
dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada
beeleed ku wada dagaalamaya halkaais.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska
soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga
lagu dagaalamay.
Wali Labada
maamul Galmudug iyo Puntland kama aysan
hadlin dhibaatada ka taagan aaga
jiicboor.
Xiisaddaan ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan heshiis
hordhac ah laga gaaray xaalada jiicboor , manasa muuqato talaabo looga
hortagayo xiisadaan .
W/Q: Maxamed Cali
0 Comments