LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Guddoomiyaha degmada Kaxda.

 


Muqdisho (bulacle.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u soo saartay xayiraad safar oo ku saabsan Guddoomiyaha degmada Kaxda, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug leeyahay fal dambiyeedyo kala duwan.

Eedahaasi waxaa ka mid ah fulin la’aan mar garsoore, ku boorin danbiyo, iyo sidoo kale in si fagaare ah uu u horyimid sharciga, taasoo abuurtey qalqal amni bulsho oo ka jira degmada.

 

Maxkamaddu waxay ogaatay in Guddoomiyaha uu ka madax adaygay hawlgallada sharciga, iyadoo ay kooxo kale oo danbiilayaal ah ay ka faa’iideysteen xaaladdu, taasoo keentay in bulshadu ka walaacdo ammaankeeda.

 Xayiraadda safarka ayaa ah tallaabo ka dhan ah waxyeelada suurtagalka ah ee ka dhalan karta, waxaana la wargeliyay hay’adaha socdaalka Soomaaliya iyo laamaha amniga si ay u fulin karaan amarka maxkamadda.

 

Eedahaas ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo fulinta sharciga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah amniga. Maxkamaddu waxay dhawaan soo saartay amarro cusub oo lagu xoojinayo ku dhaqanka sharciga, iyadoo diiradda saareysa in la joojiyo falalka lidka ku ah cadaaladda.

 

Nidaamka sharciga ee Soomaaliya ayaa wajahaya caqabado badan, waxaana talaabooyinkan loo arkaa inay tahay mid ka mid ah hababka lagu hagaajinayo maamulka iyo kalsoonida bulshada.

 

Guddoomiyaha waxaa lagu wargeliyay in la horgeyn doono Maxkamadda Gobolka Banaadir si looga dhegeysto eedaha loo soo jeediyay.


maxay kultahay adiga?

W/Q: Maxamud Cabdulle

 

Post a Comment

1 Comments

  1. CID KASTA OO CADAALADA KA HOR IMAATA HALA SOO XIRO

    ReplyDelete