Gedo( bulacle.com)-Madaxweynaha dowlada jubaland ayaa qaaday talaabo mar kale lagu soo nooleynayo ah-lusunadii barisamaad ka dagaalami jiratay gobolka gedo ee soomaaliya iyadoona xili ay sii kordheyso xiisada dowlada soomaaliya iyo maamulka jubaland.
Madaxweynaha jubaland ayaa dhawaan magacaabay maxamed
xuseen isxaaq (Alqaadi) in uu noqdo gudoomiyaha gobolka gedo ee soomaaliya kadib markii uu dhawaan ka horyimid gudoomiyihii hore dib u doorashadii madaxweynaha jubaland.
Alqaadi ayaa ka mid ahaa hogaamiyaasha ah-lusno ee
gobolka gadao ka saaray ururka AS , waxaana soo magacaabistiisa looga
goleeyahay in lagu soo nooleeyo ah-lusuna waljamaaca halgankii dib u xoreynta
gedo iyo in la dar dargaliyo abuubulka ka dhankaa khawarijta.
warar ka
imaanaya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya in
magacaabista al-qaadi ay qeyb katahay dagaalka looga hortagayo abaabulka
dowlada soomaaliya ay kawado gedo iyo hirgalinta damaca madaxweynaha dowlada
jubaland.
xoogaga ahl-usunna ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011
ay gacan weyn ka gaysteen hawlgaladii ay ciidamada dowladda ku xoreeyeen
degmooyinka luuq, beled xaawo iyo garbahaarey oo xarunta gobolka gedo ah, waxay
sidoo kale ka qayb qaataan hawlgalo ladiil la isugu furay isku socodka waddooyinka ee
degmooyinka gobolkaasi qaarkood, waxaana loo arkaa in ah-lusuna ay waxbadan kagali doonto xaaladaha
jubaland.
Arintaan ayaa ku soo beegmeyda xili dowlada soomaaliya
lagu eedeynayo in uu garabsiinayo
ururada sida weyn kaga soo horjeeda qadiyada ah-lusuna waljamaaca.
0 Comments