Dimishiq (bulacle.com) – Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa maanta shaaciyey in ay burburiyeen xukunka Bashaar Al-Asad oo socday muddo 24 sano ah, taasi oo dhacdadii ugu horreysay ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay weerarka birta ah ka dhacay magaalada Dimishiq.
Saraakiisha taliska ciidamada Suuriya ayaa u sheegay
wakaaladda wararka ee Reuters in nidaamka Al-Asad uu dhamaaday, inkastoo
ciidamada ay sheegeen in ay sii wadaan hawlgalladooda ka dhanka ah “kooxaha
fallaagada” ee ku sugan Hama, Homs, iyo Deraa.
Wararka ayaa sheegaya in Al-Asad uu ka baxsaday
Dimishiq isagoo aan meelo kale oo la garanayn u uga safray wadanka, Fallaagada mucaaradka ayaa xaqiijisay in ay si
sahlan u galeen caasimadda iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin.
Kooxda mucaaradka ayaa u dabaaldegaya xorriyadda,
iyadoo kumanaan dadweyne ah ay isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Dimishiq
iyagoo gacan haadinaya oo ku dhawaaqaya “Xornimo”. Waxaa sidoo kale la sheegay
in maxaabiista la sii daayay, iyadoo muuqaalka xabsiga Sednaya oo dhinaca
caddaalad-darrada ah lagu sheegay in uu dhamaaday.
Burburka nidaamka Al-Asad ayaa loola jeedaa in uu
yahay dhacdo weyn oo dhabar jab u ah Ruushka iyo Iiraan, kuwaas oo lumiyay
allies muhiim ah. Xawliga dhacdooyinka ayaa sababay walaac ka dhashay
caasimadaha Carabta, iyada oo la filayo in ay abuurto xasilooni darro cusub.
Hayat Tahrir al-Sham (HTS), oo hore u aheyd ururka
al-Qaacida, ayaa hogaaminaya horumarka dimishiq mucaaradka, halka khabiiro ay tilmaamayaan in
Xukun Islaami ah uu ka dhalan karo Suuriya.
Diyaaradda Syrian Air ayaa ka duushay garoonka
Dimishiq xilli la sheegay in caasimadda ay la wareegeen kooxaha mucaaradka,
isagoo dalka oo dhan muujinaya farax iyo rajo cusub.
Ra’iisul Wasaare Mohammad Ghazi al-Jalali ayaa
muujiyay diyaar-garow uu ku taageerayo dowladnimo, isaga oo diyaar u ah in uu
la shaqeeyo hoggaan kasta oo shacabku doorto. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden
ayaa sidoo kale feejigan, xilli ay isha ku hayaan dhacdooyinka Suuriya.
Dhacdooyinkan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo
suurtagal ah, iyadoo Israa’iil ay u badan tahay in ay u dabaaldegi doonto
dhicitaanka Al-Asad, balse halkaas waxaa hareeyay welwel ku saabsan koox
Islaami ah oo kaga talin karta Suuriya.
Maxay kultahay adiga ?
W/Q: Maxamud Cabdlle
Isha: caasimada.net
0 Comments