LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag u Weeraray Axmed Madoobe!


Muqdisho (bulacle.com) –
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad kulul ka jeediyey Masjid ku yaalla Muqdisho, isagoo si adag u weeraray Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland. Xasan Sheekh wuxuu ku tilmaamay Axmed Madoobe in uu yahay hogaan diidan sharciga, isaga oo sheegay in "suurtagal maaha in rabitaankiisa dadka loo duleeyo, Soomaalina ku kala tagto."

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka soo horjeeday dadaalladii lagu xoreynayay dalka, isagoo xusay in uu had iyo jeer ka carooday aas-aaskii ciidanka Macawiisley. “Markuu hadlo, wuxuu sheegaa in uu u nool yahay dagaalka Shabaab, Si cad ayaan u dhihi jirnay: Axmed Shabaab uma socoto, faanka iyo beenta jooji,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Isagoo ka hadlaya maamulkiisa Maxamed Axmed Madoobe, Madaxweynaha ayaa xusay in Madoobe uu Jubbaland haystay 13 sano, ayna suurtagal ahayn in uu dooneyo in uu sii joogo 5 sano oo kale. “Ninkaas oo aan u turin bulshada, miyaa  suurtagal ah in uu halkaas sii xukumayo?” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh weydiiyay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u diiday in dowladda Soomaaliya ay dagaal ka dhan ah shacabka Jubbaland qaban doonto, wuxuuna ka hadlay in Raaskambooni ay saldhig militariga ah ka dhisteen, taas oo loo sameeyay sidii ciidanka Qaranka ay amniga u sugi lahaayeen.

 

“Raaskambooni ma laha garoon diyaaradeed, dhulka inta la maro Kismaayo lama tegi karo, badda in la maro waa safar dheer, garoonka Raaskambooni dhawaan ayaa la dhisay,” ayuu sheegay Xasan Sheekh. Wuxuu intaas raaciyay in uu muhiim yahay in ay jiraan xalal kale oo ka baxsan dagaal, islamarkaana dowladda aanay u dagaalami doonin.

 

Ugu dambeyntiina, Xasan Sheekh ayaa su’aasha xukunnka Madoobe ka dhigay mid muhiim ah: “Haddii Axmed Madoobe 18 sano kaliya xukumo Kismaayo, maxaan xukunka u wareejinayaa aniga oo haaya  amarka dalka oo dhan?”

 

Maxay kulatahay adiga? 

W/Q: Maxamud Cabdulle

 

Post a Comment

0 Comments