LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.


Muqdisho (bulacle.com) –
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay magacaabista Marwo Hani Cabdi Gaas inay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

 Magacaabista ayaa timid iyadoo laga duulayo baahiyaha sii kordhaya ee dhalinyarada Soomaaliyeed, si loo xalliyo caqabadaha horyaala.

 

Marwo Hani Cabdi Gaas waxay leedahay khibrad iyo aqoon durugsan oo ka timid shaqooyinkeeda muddada dheer ee ay ka soo qabatay hay’ado caalami ah iyo maxali ah.

Khibradeeda ayaa ah mid muhiim ah, iyadoo loo baahan yahay inay ka shaqeyso sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha la siinayo iyo sidii loo horumarin lahaa xaaladahooda nolosha.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tilmaamay in Marwo Hani ay kaalin weyn ka qaadan doonto dib-u-habeynta arrimaha dhallinyarada, isaga oo tilmaamay in xilligan dhallinyarada Soomaaliyeed ay wajahaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, colaadaha, tahriibta, iyo ku biirista argigixsiga caalamiga ah.

 Madaxweyne Xasan ayaa muujiyay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka iftiinka ee dalka, ayna tahay waajibaadkeeda inay dowladda ku dhowrto sidii loo abuurayo fursado iyo horumarin buuxda.

 

Marwo Hani ayaa la filayaa in ay ka shaqayso sidii loogu soo jiidi lahaa dowladda in ay taageerto dhalinyarada, iyadoo la raacayo siyaasado iyo qorshayaal dhamaystiran oo ka jawaabaya baahiyaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

 Waxaa kaloo la sugayaa in ay ka shaqeyso hirgelinta mashaariicda dhaqan-dhaqaale si loo yareeyo shaqo la’aanta iyo caqabadaha kale ee ay la kulmaan dhalinyarada.

 

Maxay kulatahay adiga

W/Q: Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments