LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

MADAXWEYNE XASAN: Isbedelada Dastuurka iyo Guddi Doorasho oo lagu jaangooyay Danaha Shakhsiga ah.


Mogdisho (bulacle.com)-
Madaxweynihii hore soomaaliya shiikh Shariif shiikh Axmed , Reysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre  iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo soo saaray  warsaxaafadeed ayaa dhaliil culus u jeediyay Madaxweynaha soomaaliya iyagoona sheegay

 in ‘Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  talada dalka ayuu u qabtay iyadoo la haysto dastuur la isku raacsan yahay, xeerarka doorashada, xisbiyada siyaasadeed, iyo guddi doorasho oo si fiican u shaqeeya, Si kastaba ha noqotee, mucaaradka ayaa si weyn u dhaliilaya tallaabooyinkiisa, waxayna ku eedeeyeen in uu si aan sharci ahayn u beddelay dastuurkii dalka''

 

Isbeddellada uu Madaxweyne Xasan sameeyay ayaa ay mucaaradku u arkaan in ay yihiin kuwo si cad u adeegaya danihiisa gaarka ah, iyada oo la iska indhatirayo rabitaanka shacabka.

 Waxaa sidoo kale la sheegay in xeerarka doorashada iyo magacaabista guddiyada doorasho ay yihiin kuwo lagu jaangooyay awoodiisa, taas oo ka hor imaanaysa mabda’a dimuqraadiyada iyo kalsoonida bulshada.

 

Mucaaradka ayaa ka digaya in habkan uu sababi karo khalkhal siyaasadeed oo ba'an, isbeddelladanina u horseedi kara kali talis, taas oo si weyn u wiiqi karta hufnaanta iyo cadaaladda nidaamka siyaasadeed ee dalka.’

Mucaarad ayaa  ku baaqayaan in dib loo eegto isbeddelladaas laguna soo celiyo hufnaanta dastuuriga ah si loo ilaaliyo dimuqraadiyada iyo wax wada qabsiga bulshada.

hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka mucaaradka:



Mxay kulatahay adiga?

W/Q: Aisho Ali 

Post a Comment

0 Comments