LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Waxaan u baahantahay Taageero Degdeg ah Si Looga Hortago Saameynta Abaarta.


Dhuusamareeb (bulacle.com)-
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Md. Cali Daahir Ciid, ayaa sheegay in dadka Galmudug ay u baahan yihiin taageero ka badan sidii hore, si loo yareeyo saameynta abaarta soo socota iyo dhibaatada bini’aadannimo ee ka dhalan karta.  

 

"Qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, oo ay Galmudug kamid tahay, waxaa durba laga dareemaya saameynta abaarta ay  leedahay. Dadkeennu waa dad adkaysi badan, laakiin hadda waxay u baahan yihiin taageero dheeri ah," ayuu sheegay Md. Cali Daahir.

 

Wuxuu xusay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo si loo xoojiyo gurmadka degdegga ah, isla markaana loo xaqiijiyo in dadaallada soo kabashada ay noqdaan kuwo waara. “Baahiyaha bini’aadannimo waa kuwo aad u weyn, laakiin haddii aan si wadajir ah u dadaalno, waxaan yareyn karnaa dhibaatada banai’aadamnimo iyo abaaraha soo noqnoqday , sidoo kalena waxaan caawin karnaa dadkeenna,” ayuu sii raaciyay markuu ka hadalay shirka arimaha bani’aadamnimo soomaaliya oo manta ka furmay magaalada madaxda Galmudug Dhuusamareeb.

 

Bishii hore, Xuquuqda Aadamaha Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso macluul iyo abaaro soo noq noqday , iyadoo xaaladda cimilada ee adag ay saameyn ku yeelaneyso nolosha dadka, Galmudugna waxa ay ku baaqeysaa in la helo  caawimaad degdeg ah, iyadoo xaaladdu ay sii xumaanayso.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah inay ka qaybqaataan dadaallada gurmadka iyo ka hortagga dhibaatadan xilyada ugu haboon ee loo baahanyahay.

 

Post a Comment

0 Comments