Ankara (bulacle.com) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa qorsheynaya in uu booqdo Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, bilowga sanadka 2025, warar ay heshay Bulacle.com ayaa sheegaya in booqashadiisa ay sidoo kale ku jiri doonto Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, kadib heshiis dhex-dhexaadin ah oo uu dhawaan ku guuleystay.
Erdogan ayaa xaqiijiyay booqashadiisa isagoo sheegay,
“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya
sanadka cusub ee 2025,” ka dib markii uu la hadlay madaxweynaha Soomaaliya iyo
ra’iisul wasaaraha Itoobiya si ay u soo afjaraan xiisad soo haysatay labada
dal.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyeen in la
xaliyo khilaafka u dhexeeyey muddadii qiyaastii sannad ka ahayd, iyadoo
muhiimad weyn la siinayo heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu Erdogan garwadeenka
ka ahaa.
Khilaafka ayaa bilaabmay horaantii sanadkan ka dib
markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho deegaan xeebeed
iyo saldhig ciidan, taasoo ay si weyn uga soo horjeesatay dowladda federaalka
Soomaaliya.
Tan iyo markii khilaafkan bilowday, Turkiga ayaa si
weyn ugu dhaqaaqay, isaga oo gacan ka geystay in is-faham laga gaaro labada
dhinac, Heshiiska ayaa la gaarey 11-kii bishan, waxaana Erdogan uu u aqoonsaday
mid caalami ah.
Dadaalada Turkiga ayaa waxaa si weyn u soo dhaweyay dhammaan bulshada
Soomaaliyeed, Itoobiya, iyo guud ahaan beesha caalamka, iyagoo bogaadiyay
guushan taariikhiga ah, waxayna ku adkeysteen muhiimadda in la miro dhaliyo
heshiiskan si loo horumariyo nabadda Geeska Afrika.
W/Q: Maxamud Cabdulle
0 Comments