LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Madaxweynaha Jubbaland oo wajahaya xaalad caafimaad iyo Duulimaadyada oo xayiran Kismaayo!

Madaxweynaha Jubbaland oo wajahaya xaalad caafimaad iyo  Duulimaadyada oo xayiran Kismaayo!

Kismaayo (Bulacle.com)–
Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wajahaya xaalad caafimaad oo adag, xili dowlada soomaaliya ay xayiraad ku soo rogtay duulimaadyada magaalada kismaanyo.

 Intaasi kadib, wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa Muqdisho gaaray, iyagoo rajeynaya in ay xal u helaan khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe, taas oo sidoo kale ka qayb qaadaneysa in Axmed Madoobe loo ogolaado safar caafimaad dibadda ah.

 

Waxaa la xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay diiday codsiga Axmed Madoobe ee ah in loo ogolaado duulimaad caafimaad, iyada oo sidoo kale shalay guud ahaan la joojisay dhammaan duulimaadyadii rakaabka ee Kismaayo, Doolow, iyo magaalooyinka kale ee ay maamulaan mas'uuliyiinta Jubbaland, taasi oo keentay dhibaato weyn oo baahsan.

 

Xaaladdan, oo ah mid ka sii dareysa , ayaa muuqata in ay sii kordheyso khilaafkau dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe, iyadoo mas'uuliyiinta Jubbaland ay wajahaan cadaadis weyn oo dhinaca caafimaadka ah, maadaama aysan jirin waddo ama diyaarado si sahlan ugu gudbin kara xaalad caafimaad oo degdeg ah.

 

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha jubaland uu diyaar u yahay in xala loo helay mushkiladaan aad u adage e u dhexeysa jubalnd iyo dowlada soomaaliya , madaama uu saameyn weyn ku yeeshay shacabka jubalnd oo haatan wajahaya caadis dhankasta ah.

Post a Comment

0 Comments