Kismaayo (bulacle.com) – Maamulka Jubbaland ayaa si aad ah uga digay ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo amar ku bixiyay inay ka baxaan deegaankaas muddo 48 saacadood ah.
Amarkan ayaa waxaa shaaciyay Aadan Axmed
Xaaji, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubbaland.
Wasiir ku xigeenka ayaa
caddeeyay in Jubbaland ay ku filan tahay amnigeeda, isla markaana aanay aqbali
doonin in ciidamada dowladda ay sii joogaan Raaskambooni.
Wuxuu sidoo kale
ciidamada dowladda ku eedeeyay inay sabab u yihiin khal-khal xoogan iyo in ay
khatar ku yihiin xasiloonida gobolka.
“Ciidamada Dowladu haddii
aysan 48 saac gudahood uga bixin, tallaabo adag ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu
yiri Aadan. “Dulqaadkii waa naga dhamaaday.”
Xaaladda ayaa noqoneysa
mid ka sii dareysa korna ku sii qaadeysa xiisada jubaland kataagan , iyadoo la
filayo in khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka u muuqdo mid aan lahayn rajo wada hadal iyo
wada xaajood oo kaliya la sugayo in lagu
kala baxo awood ciidan sida ka muuqata jubaland .
Maxay kultahay adiga?
W/Q. Nasro Abdirakiin
0 Comments