Muqdisho (bulacle.com)- Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareyneyso xad-gudubyada ay Itoobiya ka waddo gudaha Soomaaliya, iyadoo ay ku andacoonayso in talaabooyinkaas ay khatar gelinayaan amniga iyo xasiloonida dalka. Tallaabooyinkaan ayaa lagu eedeeyay inay yihiin mid ka tallaabsanaysa shuruucda caalamka iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isla markaana ay ka dambeeyaan damac hor leh oo dhul ballaarsiga ah oo ay Itoobiya qorsheyneyso.
Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya ay si
sharci-darro ah hub ugu soo gelisay deegaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug,
ayna maleeshiyo Soomaali ah ku uruurisay gudaha Itoobiya si loo carqaladeeyo
amniga Soomaaliya. Warar la xaqiijiyay ayaa sheegaya in shalay magaalada
Kismaayo labo diyaarad oo hub wata ay ka soo degtay Itoobiya, taasoo la
xiriirta xubno sarre oo ka tirsan maamulka Jubaland.
Soomaaliya ayaa muujisay walaac ku saabsan sida
Itoobiya ay ugu mashquulsan tahay in ay kala dhantaalido midnimada Soomaaliya
iyo in ay dhisaan maleeshiyo si ay u kiciyaan colaad, Dawladda Soomaaliya waxay
uga digtay shaqsiyaadka ku lugta leh shirqoolada ka dhan ah dawladnimada iyo
madaxbanaanida dalka, waxayna caddeysay in cid kasta oo ku soo xad-gudubta ay
la kulmi doonto cawaaqib xun.
Dowladdu waxay ku adkeysay in ay diyaar u tahay in ay
difaacdo dalka, waxayna si cad u muujisay in ay ka shaqeynayso kor u qaadista
amniga iyo xasiloonida Qaranka.
Ugu danbeyntii dowlada soomaaliya qaaday talaabo looga jawaabyo xad gudubka itoobiya iyadoona markale beesha caalamka u dirtay dacwad ka dhan ah itoobiya .
Qoraalka War Saxaafadeedka Hoos Ka Akhriso:
0 Comments