Cadale (bulacle.com)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in dagaal beeleed culus oo Jimcihii ka dhacay deegaanno ka tirsan magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe uu sababay dhimashada in ka badan 30 qof.
Dagaalka, oo ka dhacay tuulooyinka hoos yimaada
deegaanka Laba Garas, ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed, wuxuuna qaatay
saacado badan. Khasaare culus ayaa ka dhashay, oon isku jira dhimirro iyo
dhaawac.
Ilo wareedyo goob jog ah ayaa sheegay in ka badan 30 qof ay
dhinteen, kuwaas oo isugu jiray labadii dhinac ee dagaalamay iyo dad rayid ah.
Sidoo kale, dhaawacyada ayaa ka badan kuwa dhimashada,
goobjoogyaasha ayaa tilmaamaya in
dagaalka uu ahaa mid si xun u saameeyay bulshada, iyadoo la isticmaalay hubka
noocyo kala duwan.
Xaaladdu weli waa kacsan tahay, iyadoo maleeshiyo ka
tirsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagga deegaanka, halkaas oo
gurmadyo dheeraad ah la helayo.
Maamulka HirShabelle iyo ciidamada dowladda ma aysan
hadlin tan iyo markii dagaalka dhacay. Tani waxay noqonaysaa mid ka mid ah
dagaallada ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka, oo ay weli ka jiraan
colaad beeleedyo.
Wali shacabka waxay la tacaalayaan colaaddan sii kordheysa,
mana muuqato wadadadii xalka looga gaari lahaa si loo helo xasilooni waarta iyo
daganaasho.
Maxaay kulatahay adiga?
W/Q: Cabdifitaax Yuusuf
0 Comments