Muqdisho (bulacle.com) – General Koronto, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho, isagoo kaga hadlay arrin muran dhalisay oo la xiriirta gurigiisa oo ku yaala degmada shangaani gobolka banadir.
Ciidamo ka
tirsan booliska Soomaaliya ayaa la dul keenay gurigiisa, taasoo uu ku tilmaamay
mid sharci darro ah kadib markii maxkamada gobolka banaadir ay xukuntay in
guriga laga qaado madaama ay horay xukun kaga soo saaratay in uusan lahayn gurigan
oo loo xakumay gabar soomaaliyeed oo in mudaa ku dacwooneysay gurigan uu
sheeganayo General koronto.
General Koronto wuxuu eedeyn culus u jeediyay
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo taliyaha booliska gobolka, isagoo
ku andacoonaya in ay qaadeen talaabooyin aan sharciga waa faqsaneyn ku dhisan
ku xadgudub dhanka sharciga ah.
Waxuu muujiyay in gabar Soomaaliyeed oo gurigiisa ku haysatay
in ka badan 9 sano ay maxkamaddu u xukuntay in guriga iyadu leedahay balse
aysan taas ahayn mid sharxciga loo maray.
General koronta ayaa mar kuu ka hadalayay gurigiisa
shangaani waxa uu yiri "Arrintan ayaan ahayn mid sharci ah, waxaan
diiddanahay in maxkamad lagu xukumo gurigeyga anigoon wax racfaan ah u
helin," ayuu yiri General Koronto, Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii
ciidanka maxkamaddu ay u soo dirtay fulinta
amarka maxkamada ay qaadan doonaan wixii dhaca cidii soo diratay ciidamadaas.
Waxa uuna ka digay Genaral Koronto in halkaas ay ka
soo socoto dhibaatio laga baaqsan karo madaama uu yahay general soomaaliyyed
una hogaansan sharciga iyo sareyntiisa.
W/Q: Maxamud Cabdulle
0 Comments