Moqdisho (bulacle.com) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir degdeg ah oo muhiim ah shir guddoomiyey, kaas oo diiradda lagu saaray la-dagaallanka maalgelinta argagixisada, Kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka socda Guddiga Qaran ee NAMLC, hay’adaha amniga, iyo xubno kale oo muhiim ah, iyada oo loo eegalay guulihii hore ee dowladda ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Shirkan ayaa lagu
dardargeliyay dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo
baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh maalgelintooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cid
kasta oo ku lug leh dhaqdhaqaaq kasta oo taageeraya maalgelinta argagixisada.
Madaxweynaha ayaa sidoo
kale faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, inay qaadaan
tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baabi’inta kooxaha Khawaarijta ay ku hayaan shacabka
Soomaaliyeed.
Digniin culus ayaa
madaxweyne Xasan Sheekh u diray ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo
ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta, Waxa uu
caddeeyay in tallaabooyin adag laga qaadi doono qof kasta oo lagu helo ku lug
lahaansho maalgelinta argagixisada.
Dowladda Federaalka
Soomaaliya ayaa adkeyneysa isku duubnideeda ku aaddan ciribtirka khatarta
argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Maxay kulatahay adiga?
W/Q: Maxamud Cabdulle
0 Comments