LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Joojisay Duulimaadyadii Nairobi iyo Kismaayo: xilli Xiisada Siyaasadeed ay Sii Xoogeysanayso!


Muqdisho (bulacle.com)
– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday talaabo kale oo ka dhan ah maamulka  Jubbaland, iyadoo ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta labada dhinac,  Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in dowladda dhexe ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay Nairobi iyo Kismaayo, taasoo ah tillaabo ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo kasii dareysa.

 

Ilo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in amarka joojinta duulimaadyada si toos ah loola wadaagay shirkadaha diyaaradaha, iyadoo la faray in aanay diyaaradoodu ka dagin Kismaayo marka ay ka ambabaxaan caasimadda Kenya,  Si kastaba ha ahaatee waxaa la xaqiijiyay in xayiraaddan aanay saameyn doonin duulimaadyada gudaha ee isku xiraya Muqdisho iyo Kismaayo, hase yeeshee waxaa suurta gal ah in ay keeni doonto dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha iyo safarada dadka reer Jubbaland.

 

Jubbaland ayaa horey u qaaday tallaabooyin ay ku xakameyneyso hawadeeda, iyagoo joojiyey duulimaadyada u socda degaannada maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalo xeebeedka Kismaayo.

 Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Abdi Barre, uu dhawaan booqday Kenya, halkaas oo uu ka hadlay arrimo la xiriira khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo Jubbaland oo xiriir dhow la leh xukuumadda Nairobi.

 

Go'aankan dowliga  ah ee lagu joojiyay duulimaadyada wuxuu ku soo beegmayaa ka hor xafladda caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe oo dib loo doortay 25-kii bishii hore, iyada oo dowladda Federaalka ay diidday.

Tani waxay sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta Muqdisho iyo Kismaayo, iyadoo ay muuqato in aan la hayn wax muuqda oo lagu qaboojiyo xiisadda.

 

Maxay tahay fikradaada ku saabsan arrintan?

W/Q: Maxamed Ceymis

Post a Comment

0 Comments