Muqdisho (bulacle.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn dhaqan-gelisay go'aankii cuslaa ee ay ka qaadatay Itoobiya, kaas oo la xiriiray kasii mid ahaanshaha howlgalka ka socda Soomaaliya, Tani waxay muujineysaa isbeddel weyn oo ku saabsan xiriirka labada dal.
Dowladda dhexe ayaa haatan ciidamada Itoobiya ka
saartay howlgalka cusub ee loo qorsheeyay sanadka 2025- ka, sababo la xiriira
xiisadda xooggan ee ka dhex jirta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay
heshiiskii muranka dhaliyay ee badda.
Shalay, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan dhaqan-gelisay
go'aankeeda, kaddib markii Itoobiya laga reebay shirkii dhawaan ka dhacay
Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka kale ee kala qeybqaata
howlgalka.
Shirka ayaa socday intii u dhexeysay 30-ka Novermber
ilaa 4-ta December 2024, waxaana ka qayb-galay taliyeyaasha ciidamada dalalka
sida Djibouti, Uganda, Burundi, iyo Kenya, iyadoo la diiradda saarayey qorshaha
ATMIS iyo AUSSOM.
Sida ku cad qorshaha, ciidamada ATMIS ayaa bixinaya
31-ka bisha December, waxaana la xaqiijiyay in dhammaan ciidamada Itoobiya ay
ka bixi doonaan Soomaaliya, taas oo muujineysa in aysan jirin wax xiriir ah oo
ay la leeyihiin howlgalka AUSSOM.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda hoos u
dhacay mudooyinkii dambe, kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed,
uu heshiis la galay Somaliland, taas oo quus ka dhigtay dowladda Federaalka
Soomaaliya.
Wali dowlada
federaalka Itoobiya kama aysan hadlin go’aankan dowladda Federaalka ee
soomaaliya ay kaga saartay liiska wadamada ka howlgalaya gudaha soomaliya
dowlada ayaa qaadatay talaabadaan masuuliyadeed iyada oo kaashaneysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay u
fuliso qorshahan.
### Maxay Kulatahay Adiga?
W/Q: Maxamud Cabdulle
0 Comments