LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dowlada Soomaaliya oo Xayiraad ku Soo Rogtay Degmooyin ka tirsan Gedo


Doolow (bulacle.com)
– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad hawadeed ku soo rogtay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, taasoo ka timid khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda iyo maamulka Jubbaland.

 Duulimaadyadii kasoo dagi jiray garoomada Doolow iyo Baardheere ayaa la joojiyay, iyadoo amarkaasi loo diray shirkadaha duulimaadyada.

 

Wararka ayaa sheegaya in xayiraadda loo sameeyay si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa ciidammada Jubbaland, oo uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga maamulkaasi.

 Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa si weyn u kacsan, iyada oo ciidamada dowladda ay isku fidinayaan deegaano cusub oo ku yaal gobolka, sida Baardheere, Garabahaarey, iyo Beledxaawo.

 

Xiisadda taagan ayaa ah mid sii kordhaysa, iyadoo aan la helin wax wada hadal ah oo si rasmi ah u dhex mara labada dhinac, halka dowladda ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda arrimaha doorashooyinka.

 

W/Q: Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments