Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado badan oo siyaasadeed tan iyo markii ay dib u xoreysatay. Khilaafka u dhexeeya maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland iyo dowladda dhexe ayaa muujinaya baahida loo qabo xal waara. Qoraalkan wuxuu dib u eegis ku sameynayaa caqabadaha waaweyn ee ku hor gudban guddiga sohdimaha iyo doorashooyinka madax bannaan.
1. Khilaafka Jubaland iyo
Dowladda Dhexe
Khilaafka ka dhashay
awoodda siyaasadeed iyo maaraynta khayraadka ayaa ah mid qoto dheer oo dhex
mara Jubaland iyo dowladda dhexe. Maamulka Jubaland ayaa ku eedeeyay dowladda
dhexe in ay ku takri-falayso awoodaha ay leedahay, taasoo keentay in aan la helin
isfaham dhab ah. Khilaafkaan wuxuu carqaladeeyaa wadashaqaynta iyo
is-dhexgalka, iyadoo bulshada ay ka maqneyd kalsoonidii ay ku qabtay dowladda
dhexe. Isir wadaag la’aanta siyaasadeed ayaa ka dhigan in maamul goboleedyadu
ay dareemaan inay ka fog yihiin dowladda dhexe, taasoo saamayn togan ku yeelan
la’da doontana hufnaanta doorashada.
2. Khilaafka Puntland iyo Dowladda Dhexe
Puntland sidoo kale waxay
la kulantaa khilaaf weyn oo dastuuriga ah oo la xiriira aqoonsiga ay ka hesho
dowladda dhexe. Puntland ma aysan helin aqoonsi ku filan, taas oo keentay in
khilaaf xooggan dhex mara labada dhinac. Maamulka Puntland wuxuu ka gaabinayaa
maaraynta dhaqaalaha iyo ilaha shaqo, taasoo saameyn ballaaran ku yeelatay
horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. Khilaafkaasi wuxuu si gaar ah u adkeeyaa
fursadaha ay Puntland u leedahay in ay si hufan u qabato doorashada, maadaama
ay dhibaatooyin dhaqaale aya kheyraadka sii xumaynayaan.
3. Maqamka Caasimadda
Soomaaliya
Maqamka caasimadda
Muqdisho ayaa ah arrin muran badan keeneysa, iyadoo aan si cad loogu qeexin
sharciyada iyo qodobbada maamul, Maqamka aan si rasmi ah loo dejin wuxuu keenaa
khilaaf iyo is-fahan la’aan, taasoo maamul hufan ka dhigan in aysan suurto gal
ahayn in la gaaro doorashooyin nabdoon. Baahida loo qabo nidaam sharci oo hufan
iyo is-faham dalka waxaa muhiim ah in la qabto shirar laga wada hadlo ceelasha
siyaasadeed, ciqaabina ammaan la’aanada ka abuurto.
4. Siyaasiyiinta
Mucaaradka
Siyaasiyiinta mucaaradka
ayaa muujinaya walaac ku saabsan hufnaanta guddiga doorashada, iyagoo sheegay
in kalsoonida shacabka ay hoos u dhacay, Dhibaatada ka jirta guddiga doorashada
ayaa u keentay in aan la helin sharciyeyn ku filan oo bulshadu ugu samayso
doorashada. Mucaaradka ayaa ku baaqaya in dib loo eego qaabka doorashada iyo
xisbiyada siyaasadeed si loo dhiso nidaam doorasho oo hufan, oo shacabka
Soomaaliyeed xiriir toos ah la yeeshaan.
5. Hagaajinta Xisbiyada
Hagaajinta xisbiyada
siyaasadeed ayaa lagama maarmaan u ah in la gaaro doorashooyin hufan. Si
kastaba ha ahaatee, ma jiraan isfaham guud oo ku saabsan sida loo hagaajin karo
xisbiyada si ay ugu tartamaan doorashooyinka, Jawabkani wuxuu muujinayaa
baahida loo qabo xal waara oo dhameystiran. Haddii isfaham la’aanta ay sii
socoto, waxay keeni kartaa khilaaf dheeraad ah.
6. Khataraha Amni ee
Al-Shabaab
Kooxda Al-Shabaab ayaa ka
mid ah khataraha waaweyn ee khilaafka siyaasadeed. Weerarrada tooska ah ee
kooxda waxay hoos u dhigayaan kalsoonida shacabka iyo diyaar-garowga
doorashada. Amniga dalka oo liita ayaa khalkhal gelinaya fursadaha
doorashooyinka, waxayna keenaysaa in la adkeeyo arrimaha amniga si loo sugo
nabadgelyada. Qorsheynta kormeerka amniga iyo ka hortagga khatarta Al-Shabaab
ayaa ah mudnaanta koowaad.
7. Dhaqaalaha iyo Hufnaanta Doorashada
Dhaqaalaha dalka ayaa si
weyn u saameeya hufnaanta doorashooyinka. Maadaama Soomaaliya ay wajahday
dhibaatooyin dhaqaale oo badan, taasi waxay keentay in awoodda maamuleed aysan
awoodin inay diyaariso doorashooyin hufan.
Maalgelinta
Doorashooyinka: Maalgelinta doorashooyinka waa mid ka mid
ah caqabadaha waaweyn. Khilaafka siyaasadeed iyo dakhli hooseeya ayaa ka
dhigaya in aan la heli karin lacag ku filan oo lagu maareeyo doorashooyinka,
taasoo keeni karta in si xun loo maareeyo hannaanka doorashada.
Kharashaadka Doorashada: Kharashaadka
doorasho kasta waa in la fuliyaa si hufan, laakiin xaalad dhaqaale oo liidata
ayaa ka dhigaysa in aan la helin kharashaad ku filan oo si sahlan ay ugu
oggolaan karto dadweynaha in si xor ah ay u codeeyaan.
8. Daah-furnaanta Doorashada
Daah-furnaanta waa shardi
muhiim ah oo lagu xaqiijinayo doorasho hufan. Haddii aan la helin daah-furnaan
ku filan, waxaa dhici karta in la xadido xaqa lagu codeynayo, waxaana ka dhalan
kara musuqmaasuq iyo warar khaldan.
- Korjoogteynta:
Korjoogteyaasha doorashada waa in loo oggolaadaa inay si hufan u kormeeraan
hannaanka doorashada. Si kastaba ha noqotee, haddii aan la adeegsan qorsheyaal
hufan ama haddii aan la helin xog ku filan, kalsoonida shacabka waxaa uga
dhiman karta.
- Warbixinta Warbaahinta:
Warbaahinta ayaa door muhiim ah ka qaadata kor u qaadista daah-furnaanta
doorashada, Hase yeeshee, haddii xiriirka dowladda iyo warbaahinta uusan ahayn
mid fiicnayn, waxay ka dhashan kartaa warar aan sax ahayn ama la burburiyo
hufnaantii doorashada.
9. Xiriirka
Warbaahinta iyo Dowlada
Xiriirka ka dhexeeya
warbaahinta iyo dowladdu waa arrin mudan in la siiyo xoogaa tixgelin ah.
Warbaahinta waxay u adeegtaa sidii buundo u dhexeysa dowladda iyo shacabka. Si
kastaba ha noqotee, xiriirkan hadduu xumaado, saameyn xun ayuu ku yeelan karaa
doorashada.
- Xoriyadda Warbaahinta:
Dowladdu waxay u baahan tahay inay taageerto xoriyadda warbaahinta si ay u
hesho xog hufan oo ku saabsan geeddi-socodka doorashada. Haddii dowladdu ay ku
koobto warbaahinta ama ay soo rogtay xeerar xadidaya xoriyadda, waxay keeni
kartaa in shacabka aan la gaarin warar hufan.
-Warbixinta Kooxda
Warbaahinta: Kooxaha warbaahinta madax-bannaan ayaa muhiim u ah soo bandhigista
aragtiyo kala duwan iyo xaqiiqooyinka doorashada. Dowladdu waa inay qirto
doorkooda iyo kaalmada ay siiyaan wada-hadalka, si shacabku u helo fursad ay ku
maareeyaan fikradohooda.
Gabagabo
Dhaqaalaha,
daah-furnaanta, iyo xiriirka warbaahinta iyo dowladda ayaa ah arrimo muhiim ah
oo saameyn ku leh xaqiijinta doorashooyin hufan oo madax-bannaan.
Si loo xaliyo caqabadahan, dowladda Soomaaliya
waxay u baahan tahay inay ka shaqeyso hagaajinta maamulka dhaqaalaha, kor u
qaadista daah-furnaanta doorashada, iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay
warbaahinta, Tani waxay horseedi doontaa in la helo doorashooyin kalsooni leh
oo shacabka Soomaaliyeed ay ku dhaqan-geliyaan fikirkooda dimuqraadiga ah.
Marka la soo koobo, xalka
caqabadaha ku hor gudban guddiga sohdimaha iyo doorashooyinka madax bannaan ee
Soomaaliya waa in laga shaqeeyo wadajirka dhammaan dhinacyada bulshada si loo
helo isfaham, tartan hufan, iyo bulsho nabad ah.
W/Q: Maxamud Cabdulle
1 Comments
GUDIGA WAXAANLEEYAHAY CADAALAD SAMEEYA
ReplyDelete