Dhuusamareeb(bulacle.com)- Wasiirka arimaha gudaha federaalka iyo dib-uheshiisiinta dowlada Fedraalka soomaalia Cali Yuusuf Ali , Cali Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta soo gaaray magaalada dhuusmareeb caasimada dowlada Galmudug.
Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa Garoonka
diyaaradaha Dhuusmareeb waxaa ku soo dhaweeyay labada golle ee dowlada Galmudug
qeybaha kala duwan ee bulshada caasimasda dhuusamareeb iyadoona loo soo
galbiyay madaxtooyada Galmudug halkaasna uu kulan kula qaatay madaxweynaha
dowlada Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor isagoona kaga mahadceliyay
soodhaweynta maanta loogu sameeyay dhuusmareeb isagoona sigaar ah ugu
mahadceliyay madaxweynaha iyo dhamaan shacabka reer Galmudug.
Socdaalka Wasiirka ayaa waxa uu ku qotamaa, dar
dargalinta dib-uheshiisiinta beelaha , Xasilinta iyo arimaha doorashooyinka dalka.
Wasiirka ayaa
sheegay in dowlada ka go’antahay in xooga la saaro nabadeynta
beelaha si looga fogaado waxkasta oo
dalka dib u dhac u keeni karo ama abuuri kara caqabdo aan suurtagalin Karin in
dalku ku guuleysto qabashada arimaha doorashada qof iyo cod.
Wafdiga
wasiirka ayaa jooga maalmaha soo socda deegaanada Galmudug.
0 Comments