LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Deg Deg: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo Ku Kulmaya Ankara iyo Dowladda Soomaaliya oo Faahfaahin Kasoo Saartay!


Muqdisho (bulacle.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Turkiga, halkaas oo uu la yeelan doono ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. War qoraal ah oo ka soo baxay Telefishinka Qaranka ayaa xaqiijiyey kulankan, kaas oo uu martigelinayo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

 

Qoraalka wuxuu sheegay, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u safray Ankara ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa, Mudane Recep Tayyip Erdoğan.”

 

Intaa waxaa dheer, dowladda ayaa tilmaantay in Turkiga uu waday dadaal iyo wadahadalada lagu xalinaayo khilaafka ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ka dhashay heshiiskii sharci darrada ahaa.

 

Dowladda ayaa shaacisay in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay sii amba qaadi doonaan wareegga saddexaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya. “Kulankan ayaa la filayaa inay ku kulmi doonaan labada wafdi, oo ay hogaaminayaan madaxweynaha JFS iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya,” ayuu qoraalku intaas ku daray.

 

Kulankaan wuxuu imaanayaa xilli khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu weli taagan yahay, waxaana la sugaa natiijada ka soo bixi karta.

 

By Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments