LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

DEG DEG: Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland oo la shaaciyay - Magacyada Xubnaha Cusub!


 Hargeysa (bulacle.com) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed (Cirro), ayaa maanta shaaciyay liiska golaha wasiirada oo ka kooban 48 xubnood. Xubnahaasi waxaa badankood keenay Xisbiga Waddani, taas oo ka dambeysay guusha doorashadii dhowaan ka dhacday Hargeysa, halkaas oo Muuse Biixi laga adkaaday.

 

Afhayeenka cusub ee madaxweynaha, Aadan Deyr, ayaa warbaahinta la wadaagay magacyada xubnaha golaha wasiirada cusub, oo ay ka mid yihiin:

 

1.    Cabdalle Maxamed Carab – Wasiirka Amniga Gudaha

2.    Xasan Axmed Ducaale – Wasiirka Dowladaha Hoose

3.    Yoonis Axmed Yoonis – Wasiirka Cadaaladda

4.    Cabdullaahi Xasan Aadan – Wasiirka Maaliyadda

5.    Cabdiraxmaan Daahir Bakaal– Wasiirka Arrimaha Dibadda

6.    Dr. Xuseen Bashiir Xirsi – Wasiirka Caafimaadka

7.    Xuseen Axmed Cyadiid – Wasiirka Howlaha Guud

8.    Khadar Xuseen Cabdi – Wasiirka Madaxtooyada

9.    Cali Jaamac Faarax– Wasiirka Kalluumeysiga

10.  Maxamed Yuusuf Cali– Wasiirka Gaashaandhigga

11.  Eng. Axmed Jaamac Barre – Wasiirka Tamarta

12.  Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi– Wasiirka Qorsheynta

13. Cismaan Ibraahim Nuur – Wasiirka Gaadiidka

14. Prof. Ismaaciil Yuusuf Duaacle – Wasiirka Waxbarashada

15. Abuubakar Cabdiraxmaan – Wasiirka Biyaha

 

Cabdiraxmaan Cirro, oo dhawaan si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in magacaabista golahan ay ku saleysan tahay aqoontooda iyo kartida ay u leeyihiin wasaaradaha loo magacaabay. Xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa isbeddello waaweyn, oo ay ku jiraan wax ka qabashada xiisadaha ka jira deegaannada Somaliland.

Sidoo kale Wasiiradda haatan xilka wareejinaya ayaa lagu booriyay in ay muddo Sadax cisho ah ku  diyaariyaan xil wareejinta howlihii shaqo oo ay bulshada u hayeen.

Post a Comment

0 Comments