Raaskambooni (bulacle.com) – Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose waxay muujinayaan in maanta xaalad dagaal laga dareemayo deegaanka Raaskambooni, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay lagu daabulayay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland
ay qaaday dhaqdhaqaaq ciidan si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada
dowladda, iyagoo ciidamo iyo gaadiid dagaal u diray deegaanka Buurgaabo oo ku
yaal gobolka Jubbada Hoose. Daraawiishta Jubbaland ayaa isku dayaya inay ka
hortagaan abaabulka ciidamada dowladda, waxaana la sheegay in ay gaareen meel aan sidaasi kaga fogeyn deegaanka Raaskambooni.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda Soomaaliya, oo
ogaanaya dhaq-dhaqaaqyada Jubbaland, ayaa gelaya heegan buuxa, waxaana la
filaayaa in dagaal ka dhex qarxo labada dhinac. Xaaladda deegaanka ayaa aad u
kacsan, iyadoo warar la helay tilmaamayaan in hub uruurin badan lagu sameynayo
halkaas.
Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee
ku saabsan xiisadda maanta ka taagan Raaskambooni.
Shalay, Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya u qabatay
48 saac inay gobolka ka baxaan, iyadoo wasiir ku xigeenka amniga Jubbaland uu
sheegay, “Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii
laga keenay, tallaabo adag ayaan ka qaadeynaa; dulqaadkii waa naga dhamaaday.”
Xaaladdan ayaa muujinaysa in khilaafka u dhexeeya
dowladda dhexe iyo Jubbaland uu marayo heer aad u adag, iyadoo ciidamada
Itoobiya ay u muuqdaan inay gacan siinayaan dagaalyahanada Jubbaland, taasoo
kordhineysa xiisadda iyo suurtagalnimada dagaal.
Maxay kugu
seemaan?
W/Q: Maxamud
Cabdulle
0 Comments