Ceel-baraf(bulacle.com)-Wararka ka laga helayo Magaalada Ceel-baraf ayaa sheegay in Ciidamada dowlada soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen 5 eedeysane oo loo heysto dilkii 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka soomaaliya oo dhawaan lagu laayay deegaanka ceel-baraf gobolka shabellada dhexe.
Wararka ayaa
intaasi ku siidaraya in howlgala adag oo ay qaadeen Ciidamada dowlada uu lahaa
bartilmaameed lagu beegsanayay Maleeshiyadii lagu tuhunsanaa dilka askar ka tirsan
Ciidamada qaran , iska hor imaad halkaas xalay ka dhacay ayaa waxaa uu sababay
dhimashada 1 qof halka lagu qabtay nolasha ku dhawaad 5 ruun oo ka mid ah raga
lagu tuhunsanyahay falkii lagu laayay ciidamadii qaranka.
Dowlada soomaaliya
ayaa wacad ku martay in ay cadaalada hor keeneyso ragii dhawaan laayay
ciidamada qaranka oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka hiiraan.
Wali waxaa socda
howlgalada lagu bartilmaameedsanayo dadkii ku lugta lahaa dilka askatii dhawaan
lagu laayayay deegaanka ceel baraf gobolka shabellada dhexe.
Dowlada ayaa sidoo
kale xabsiga dhigtay odayaasha dhaqanka
, maamulkii degmada ceel-baraf iyagoona
lagu soo xiray magaalada muqdisho.
Dhacdadaan ayaa ah
mid ku soo noq noqtay gobolka shabellada dhexe
balse haatan arinta ayaa u muuqata in lagu soo baraarugay madaama ay si
aan wanaagsaneed loola dhaqamay ciidamadii xooga dalka soomaaliyeed.
0 Comments