LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Dagaalka SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo galay maalintii labaad!


Ceerigaabo (bulacle.com) –
Dagaal cusub ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Dagaalkan, oo ah mid culus, ayaa galay maalintii labaad ee xiriir ah, waxaana la sheegay in labada dhinac ay mar kale isugu laabteen saaka, taas oo sii xumeysay xiisadda ka taagan gureeysan.

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in labada ciidan ay isku adeegsanayaan hubka kala duwan, waxaana dadka rayidka ah ay bilaabeen inay ka barakacaan Ceerigaabo si ay uga badbaadaan dagaalka. Khasaaraha dagaalkan ayaa la xaqiijiyay inuu dhaliyay in ka badan 15 qof, iyada oo ay jireen halis ah in tirada dhimatay sii kordho maadaama dagaalku weli socdo.

 

Illaa iyo hadda, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamullada SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo ku saabsan dagaalkan. Wararka ayaa muujinaya in xaaladdu ay hadda faraha ka baxeyso, iyadoo la soo diray ciidamo iyo gaadiid dagaal oo gurmad ah, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka.

 

Maalmihii la soo dhaafay, xaaladuhu waxay ahaayeen kuwo kacsan, iyadoo shacabka magaalada ay abaabuleen dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan dilal ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo ay SSC xusheen ciidamada Somaliland. Dagaalkani wuxuu kusoo beegmay xilli siyaasadeed oo fool xun, kaddib doorashadii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Somaliland, iyada oo xiisadda labada dhinac ay sii socoto.

W/Q: Maxamud Cabdulle

Post a Comment

0 Comments