Badhaadhe (bulacle.com)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijinaya in daqiiqado kooban ka hor la bilaabay dagaal culus oo toos ah oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo daraawiishta Jubbaland.
Dagaalku wuxuu ka socdaa deegaanka Raaskambooni, iyadoo ururka Jubbaland uu si aan caadi ahayn u beegsanayo deegaan lagu magacaabo Manaraani, oo ku yaalla qiyaastii 30 KM dhinaca waqooyi ee Raaskambooni.
Ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in
dagaalku uu si xowli ah u socdo, iyadoo labada ciidan ay is-hortaageen kadib
markii mudooyinkii u dambeeyay ay isu diyaarinayeen.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaalku
sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo burbur gaadiid, waxaana
xaaladdu wali kacsan tahay. Mid kasta oo ka mid ah dhinacyada dagaalamaya ayaa
helaya taageerooyin dheeraad ah, taasi oo khatar gelin karta xasilloonida
deegaanka.
Illaa hadda, ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac, laakiin dadka deegaanka ayaa ku warramaya in dagaalku uu wali si xoog leh u socdo.
Ciidamada dagaalamaya midna ma heli karaan gurmad kaga iyimaada yimaada dhinaca bariga, halkaas oo Al-Shabaab ayaa heysta dhulka bariga mana cada qorsha alshaab ee raaskaanbooni .
Dagaalkan wuxuu ku soo beegmayaa xilli madaxweyne
Axmed Madoobe uu muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada dowladda inay ka
baxaan Raaskambooni, isagoo sheegay in haddii aysan u baxin mas'uuliyadda ay
qaadi doonaan madaxda dowladda federaalka.
La soco Bulacle.com si aad u hesho warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkan iyo xaaladda ka jirta gobolka Jubbada Hoose.
0 Comments